site advertisement

Badbaadi Guriyaha Dowlada – Garo xuquuqdaada (Somali)

Victorian Greens

Badbaadi Guriyaha Dowlada – Garo xuquuqdaada (Somali)


Badbaadi Guriyaha Dowlada – Garo xuquuqdaada.

Dowlad goboleedka Victoria uu hogaamiyo Xisbiga LABOUR ka waxa uu qorsheynayaa in uu burburiyo guryaha dhaadheer sidoo kale in uu dhulka siiyo shirkado ganacsi oo gaar loo leeyahay.
Majiro balan qaad ay sameysay dowlada Labour ka oo ay ku sheegtay in guryaha cusub ladhisayo lagu darayo guryo dowladeed. Qorshaha cusub ay dowlada dejisay waxaa ku cad in guryaha ay noqonayaan kuwa gaar loo leeyahay, kaliya waxaa lagu soo darayaa dhowr guri oo ah kuwa lagu mag acaawo (Community Housing) oo ah guryaha bulshada.

Guryaha Bulshada (Community housing):
1) Waa kuwa ka qaalisan guryaha dowlada, 30% dhaqaalaha kusoo gala bisha ayaa lagaa qaadayaa.
2) Lacagta kirada lagaaga caawiyana iyagaa qaadanaya, sidoo kale
3) Heshiiska wuu ka yar yahay oo mudo yar ayaa lagu siinayaa.

Inkastoo uu muhiim yahay Guryaha Bulshada lagu magacaawo, laakin marnaba ma bedeli karo Guryaha kale ee loo yaqaano ( Public Housing)
In badan oo kamid ah dadka degan guriyaha ( Public Housing) ka waxay sheegeen in ay ka welwel san yihiin in xoog looga guuriyo halka ay degan yihiin jaaliyadooda, iskuulada ay ilmahooda hada udhigtaan, halka ay adeegyada ka helaan, iyadoo aysan jirin xuquuq loosiiyay in ay degayaan guryaha cusub ladhisi doono.

Xuquuq ayaad leedahay, waana in lagu siiyaa dhammaan warbixinada aad ubaahan tahay kahor inta aadan goáan qaadan. Xuquuqdaa waxaa kamid ah:
1) In aadan saxiixin waxa aadan ku farax saneen.
2) In aadan saxiixin haddii aad rabtid in aad sii degnaatid guryaha dowlada ama haddii lagu siiyo guri kayar qoyskaaga ama haddii lagu siiyo guri aan munaasab aheyen ama ka fog halka ay degan yihiin jaaliyada.
3) Waxaad xaq uleedahay in uu qareen kula socdo kulan kasta aad lagalaysid qolada guriyaha uqaabil san dowlada ee loo yaqaano ( Homes Victoria).
4) Kuma qasbanid in aad goáan ku qaadatid kulan ka aad layeelan doontid qolada quryaha qaabil san, sidoo kale waad qaadan karta waraaqadaha ay kusiiyaan si aad u raadsatid talo sharciga waafaqsan, kana soo fakartid kahor inta aadan goáan qaadan.
5) Haddii aad turjimaan ubaahan tahay, waad codsan kartaa, wayna ku qasban yihiin in ay kuu keenaan turjimaan kulan kasta aad la galaysid
6) Kulan kasta aad la yeelanaysid qolada guryaha qaabil san, Waxaad xaq uleedahay in uu kula socdo qof ku caawiya sida qof qoyskaaga kamid ah, saaxiib, Qareen ama qof kaala shaqeeya dhanka sharciga.

Dad badan ayaa waxay noosheegeen in lagu qasbay in cadaadis lagu saaray in ay aqbalaan guryaha ay usoo bandhigeen qolada guryaha qaabilsan. Haddii aad dareensan tahay in cadaadis lagu saarayo ama lagu handadayo, cabasho ayaad ugudbin kartaa xildhibaan ka dowlada kugu matala, qareenkaaga ama qolada loo yaqaano Ombudsman.

Xisbigeena Gareen ka waxuu doonayaa in ay dowlada Dayactirto guryahaan, sidoo kalena ay dhisto guryo cusub oo ay dowlada leedahay ( Public Housing) si qofkasta uu uhelo guri amaan ah, oo ay lacagtiisa ay yartahay.

Waxaan garab taaganahay dhammaan dadka degan guryaha dowlada, oo ay kamid yihiin kuwa doonaya in aan guryahooda laga rarin sidoo kalena ay lajoogaan jaaliyadooda. Haddii aad doonaysid in aad joogtid gurigaaga, waan kugu taageeraynaa. Haddii dad badan ay wada shaqeeyaan oo ay wada diidaan in ay guuraan waan badbaadin karnaa guryaha dowlada sidoo kale cadaadis ayaan kusaari karnaa dowlada in ay dhisto guryo kale oo badan halka ay dhulka kasiin laheyd shirkado ganacsi.

Si aad ugu biirtid dadaalka jaaliyada sidoo kale aad ubadbaadisid gurigiina, fariin qoraal soo dir soona raaci, magcaaga, guriga aad degan tahay iyo fariinta ah “ waxaan doonayaa in aan gurigayga sii degnaado. Nambar kaan kusoo dir : 0491 618 592.

Video gan ma ahan talo sharciyadeed. Haddii aad ubaahan tahay talo sharciyadeed oo lacag laáan ah waxaad la xiriiri kartaa xarumaha ay fariistaan qareenada udooda bulshada ee loo yaqaano (Community Legal Centre)

Talo sharciyadeed oo lacag laáan ah kala xiriir
Hayada loo yaqaano Inner Melbourne Community Legal: 03 9419 3744
Fitzroy Legal: 03 9328 1885
Southside Justice Connect contact numbers: 03 7037 3200
Haddii aad doonaysid in aad cabasho ugudbisid Victorian Ombudsman: 1800 806 314

View Original | AusPol.co Disclaimer

Have Your Say

We acknowledge and pay our respects to the Traditional Owners of country throughout Australia


Disclaimer | Contact Us | AusPol Forum
All rights are owned by their respective owners
Terms & Conditions of Use